Akhriso-: Maxkamadda Racfaanka oo muddo cusub u qabatay C/raxmaan C/shakuur Warsame Oo Maanta Ka Baaqday Maxkamadda.

Muqdisho | QOL | December 27, 2017 – Saalax Sheekh Ibraahim Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir ayaa waqti cusub u qabatay kiiska dacwada loo heysto Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoo ku wargelisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa, si uu uga soo qeyb galo.

Warqadan oo goor-dhow ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa lagu sheegay  in C/raxmaan aanu soo xaadirin fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwada oo maanta aheyd, isla markaana uu wakaaladii qareennimo kala noqday qareenadii u doodayay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa dhageysiga dacwadda u muddeysay 3-da bisha Janaayo ee sanadka cusub 2018 oo ku beegan maalinta Arbacada, marka saacadu tahay 10-ka subaxnimo.

YYYYYYYYYYYYYYYVF

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *