gudoomiyaha Gobalka Oo Gaaray Guriigii C/Qeebdiid

Mum Di’s | QOL | December 30, 2017 –Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa booqday Guriga Senator Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale ” Qeybdiid” oo ay weerareen Ciidamo ka tirsan dowladda.

Gudoomiye Taabid ayaa sheegay in uu ahaa wax laga xumaado falka lagu weeraray Guriga Xildhibaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta Weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid”

Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay kusoo qaadeen Weerar Abaabulan.

Waxa uu sheegay in mid Kamid ah ilaaladiisa la Jirdilay, Qolalka Gurigiisa la Jajabiyay, Baaris badan laga sameeyay Hoygiisa iyadoon aan wax fasax ah looga heysan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Gaari dagaal Gurigiisa lagu hor jaray ka dibna, Qoryo lagu qabtay Ilaaladii Gurigiisa.

 

1-25-681x506

3-21-681x507

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *