Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 – Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku dhaawacantay kaddib markii saaka uu Qarax ka dhacay Xaafadda Haanta dheer ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa dhacay kaddib markii Gaari ay la socdeen uu dul maray miino Waddada lagu aasay,goobjoogayaal ayaa u sheegay Shabakada Qaranimo  in ay arkeen dhaawac saddexda Askari.

Ma jiro khasaare kale oo la soo wariyay in uu ka dhashay Qarax ka dhacay Waddada isku xirta Ex-Koontarool iyo Haanta Dheer,waddada aadda dhinaca Warshadaha.

Gaariga Miinada haleeshay ayaa lagu sheegay in uu ahaa nooca Cabdi Bilaha ee ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya adeegsadaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *