DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday Guddoomiye Taabid

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa digreeto goor dhow uu soo saaray waxaa uu xilkii uga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ahaa Wasiirka Warfaafinta.

Xilka qaadista ayaa ka dambeysay saacado kaddib, markii xalay Golayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku dhawaaqeen inay u doorteen Taabid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa muddo 10 bilood soo hayay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, waxaana xil ka qaadistiisa ku soo aaday, iyadoo khilaaf ka taagan maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *