Wafdi Ka socda Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle oo gaaray Baladweyne

Muqdisho | QOL | January 22, 2018 – Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafddi uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda maamulkaasi  Maxamed Maxamuud Cabdulle .

Wafdiigan waxaa qeyb ka ah Xubno ka socda  Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee ASSF,waxaana ay Magaalada u tageen in ay la kulmaan Ganacsatada iyo Dadka degaanka ee ay dhibaatada ka heysato shilinka Soomaaliyaga oo ka joogsaday Madaalada Baladweyne.

Wafddigan waxaa Magaalada ku qaabilay Madaxda Maamulka Gobolka iyo Degmada Baladweyne oo ay ka midyihiin,Guudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Xuseen  Muumin Cismaan,Guudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow,Guudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyada degmada Baladweyne, khadar Xassan Afrax, iyo Xubno kale.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa sheegay in sidoo kale ay magaalada u tageen qaabka loo fulin karo Mashaariic uu Madaxweynaha Maamulkaasi kaga dhawaaqay Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *