Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Muqdisho | QOL | January 23, 2018 –Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhasahy qarax xoogan oo Duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, waxaana la sheegay in lala bartilmaameedsaday gaari nuuca raaxada ah, oo ay la so socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Qaranimo Omline  ayaa sheegay in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay ku dhaawaad 10 Qof oo ay ku jiraan Askartii saarneyd gaarigaasi.

Waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo baaritaano ka sameeyay halka uu qaraxu ka dhacay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *