Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Oo Socdaal Ku Maraya Deegaano Ka Tirsan G/Galgaduud

Dhusamareeb  | QOL | 19  February, 2018–Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Qaar ka mid ah Xildhubaanada Galmudug ayaa  Maanta gaaray Deegaano hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Deegaanada uu madaxa Golaha Wasiirada Galmudug iyo Xildhibaanada ay gaareen waxaa ka mid ah Laas-xaadow, Hulku-jir, Baag Mayeeraan iyo Balli-howd,waxaana ujeedka socdaalkooda uu yahay nabadeynta dadka deegaanadaasi ku nool.

Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulamo la leh Qeybaha Bulshada Deegaanka Balli-howd waxyaabaha laga wada hadlayo ayaa waxaa ka mid ah Sidii looga shaqayn lahaa Nabad-galyada, Horumarinta iyo sidii Dadku Maamulka ula shaqayn lahaayeen .

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Masuuliyiinta ugu sareysa Dawlad Goboleedka Galmudug waxay dadaalo ugu jereen sidii Dib u heshiisiin looga Hirgalin lahaa Deegaanada Galmudug.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Dhusamareeb 

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *