Nabaddoon Axmed Diiriye Oo Geeriyooday

Muqdisho | QOL | 20  February, 2018–Alle ha naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabaddoon Axmed Diiriye Cali  oo ka mid ahaa Waxgaradka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Sidda ay uu xaqiijiiyay wiilka uu dhalay Nabadoonka ee lagu magacaabo Maxamed Axmed Diiriye ” Yabooh” Nabadoonka ayaa xalay Saqdhexe ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu ku jiray Isbitaalkaasi, halkaasi oo lagu dabiibaayay xaaladdiisa Caafimaad.

Nabaddoonka ayaa ka mid ahaa dadka Nabadda sida weyn uga shaqeeya.

Waxaa lagu Aasi doonaa Magaalada Cadaado maalinta Arbacadda ah sidda ay xaqiijiyeen Ehelkiisa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *