Akhriso:- Gudoomiyihii degmada Mahadaay oo xilkii laga qaaday

Muqdisho | QOL |  February 21, 2018 — Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha  & Dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xilkii looga qaaday gudoomiyihii degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha dhexe Cabdullaahi Maxamed Xuseen Geeldoox.

Wareegtada oo ku taariikheysneed 20/2/2018 ayaa lagu sheegay in Xilkii laga qaaday Gudoomiye Geeldoox,iyada oo aan degmada Gudoomiye kale loo Magacaabin.

Sababta xilka qaadista ayaa lagu sheegay in ay aheyd xilgudasho la’aan iyo in uu mudo dhowr bilood ah degmada ka maqnaa,waxana Laamaha Amniga Hir-Shabeelle lagu wargeliyay in xiligaan wixii ka dambeeya uu yahay Shacab.

0000

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *