Sawiro:- Madaxweyne Xaaf oo shaqa abuur u sameyneysa tiro ka mid ah dhalinyaradii laga keenay Hindiya

Mogadisho | QOL | March 22, 2018 – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa manta kulan soo dhaweyn ah la qaatay dhalinyardii dhawaan dowladda Soomaaliya ka keentay dalka Hindiya ee loo heystay falka Burcad badeednimada ah.

kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa xildhibaano iyo wasiirada ka tirsan maamulka Galmudug waxaa uuna inta uu kulanka socda ka hadlay qaar ka mid ah dhalinyaradii ku eedeysnaa Burcad Badeednimada waxa ayna madaxweynaha uga mahadceliyeen sida hagar la’aanta ah ee uu uga shaqeeyay sidii loo sii deyn lahaa.

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dhalinyada u balan qaaday in loo sameyn doono shaqo abuur si ay noloshooda u maareeyaan,isaga oo sheegay in loo dhisi doono dugsiyo lagu barto farsamada gacanta iyo qaybo lagu barto culuumta bada si ay ula soo baxaan kheyraadka ku jira badeena.

q1 q2 q3 q4 q6 q7

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *