Akhriso War Saxaafadeedka :-Guddiga Dib U-Eegista Dastuurka Oo Warka Soo Saaray Dastuurkii La Sheegay In La Xaday

Muqdisho | QOL | April 28, 2018 –  War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa lagu sheegay in Dastuurka KMG ah ee xilligaan lagu Shaqeeyo uu yahay kan rasmiga ah kadib markii dhawaan uu sheegay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka in la xaday Dastuurkii saxda ahaa.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in Dastuurka haatan dib u eegsita ay ku socoto uu yahay Dastuurka saxda ahaa oo ay ansixiyeen Golaha ansixinta Dastuurka Qaranka ee Ergadii 1,dii Bishii Agoosto ee Sanadkii 2012,waxana lagu beeniyey Warkii horay uga soo baxay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudey.

war-Saxaafadeed-dastuurka-laxaday

.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *