Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Jabuuti Oo Kulan Yeeshay

Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed oo shalay gelinkii dambe gaaray dalka Jabuuti ayaa waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan ayaa xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka jabuuti, waxaana labada dhinac ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii dowladda Jabuuti xiriir Wanaagsan ula sameyn laheyd ra’iisul Waasaaraha Cusub ee dalka itoobiya Abiy Axmed.

Inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti Abiy Axmed ayaa waxa uu booqan doonaa xarumo ku yaalla gudaha dalkaasi Jabuuti.

.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *