AMISOM oo ka walaacsan diyaargarow la’aanta Milatariga Soomaaliya

Muqdisho | QOL | May 5, 2018 – Qaraar ka soo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey Bishii September ee Sanadkii 2017kii ayaa AMISOM lagu amray in ay isu diyaariso ka bixitaanka Soomaaliya.

Intaas kaddib AMISOM waxaa ay billowday dhimista Ciidankeeda jooga Soomaaliya,waxaana ay ahaayeen 22,000 oo Askari iyada oo hadda ay gaarayaan 21,000 oo Askari.

Taliyayaasha Howlgalka AMISOM ayaa sheegaya in ay ka walaacsanyihiin diyaar garoow la’aanta ka muuqata Ciidanka Soomaliya oo la doonayo in 2021ka lagu wareejiyo amniga dalkooda.

Afhayeenka AMISOM,Richard Omwega ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay ka walwalsanyihiin in ay meel cidlo ah uga dhaqaaqaan dadaalladii ay sameeyeen.

Waxaa uu xusay in Ciidamada Soomaaliya la tababaray,waliba si wanaagsan laakiin aysan diyaar u ahayn in ay amniga kala wareegaan howlgalka AMISOM.

Waxa uu sheegay in 75 Saraakiil Soomaali ah ay ku tababaranayaan Dalka Uganda, 4,000  oo kalena ay isla Uganda horay u tababartay,sidoo kale Dalalka Turkiga iyo Imaaraadka ayuu sheegay in ay saraakiil ciidan tababareen,kuwaas oo gaaraya 1,500 Saraakiil ah haddana aysan muuqan in Ciidamada Soomaalida loo dhiibo amniga dalka.

“Waa ay fududadahay in la qorto Askar dagaallanta,laakiin waxaa adag sidii loo heysan lahaa,annaga howlgalkeenna ka mid maha in aan faragelinno arrimaha gudaha,dowladda ayey shaqadeeda tahay,waxaan kaliya ku leenahay talo”ayuu yiri  Mr Omwega.

Waxaa uu intaas ku daray in AMISOM la sameeyay January 2007dii,howlgal lix bilood ahaana lagu billaabay hayeeshee markasta waqtiga loo kordhinayay ilaa uu hadda dhaafay 10 Sano,waxaa uu intaas ku daray inWaddankasta oo ku jira Milatariga AMISOM uu bixiyay 250 Askari,islamarkaana tiro taas la mid ah ay bixi doonaan Bisha October ee soo socota.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *