XFS iyo Galmudug oo iska kaashanaya Xarun lagu dhaqan celiyo Dhalinyarada ka baxda Al-Shabaab.

Muqdisho | QOL | May 5, 2018 – Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqan celinta Maleeshiyaadka u qaabilsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wada jir ah u daah furay Xaruntaan.

Waxyaabaha keenay in la furo Xarunta waxa uu Sh.Shaakir ku sheegay in ay tahay kadib markii ay kordheen dhalinyarada isaga baxeyso Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Ka maamul ahaan iyagoo Kaashana Dowladda ay go’aansadeen sameynta Xarun lagu hayo dhalinyaradaasi, si dhaqan celin loogu sameeyo.

Madaxa Xukuumadda ayaa sheegay in aanan horay u jirin Xarumo lagu hayo Dhalinyarada isaga tagta Al-Shabaab, kana soo jeeda Deegaanada Maamulkaasi.

Agaasimaha Waaxda Dhaqan celinta Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Xukuumadda aanan ka gacma laaban doonin.

Waxa uu sheegay in fursat ay u tahay Dhalinyarada isaga baxeyso Al-Shabaab, sidaa awgeedna Maamulka Galmudug ay ka gacan siin doonaan socod-siinta qorshahaan.

galmudug-4 galmudug-3 galmudug-2 galmudug-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *