R/Wasaaraha Khayre Oo Kormeeray Xarunta dhexe ee Maamulka hawada

Muqdisho | QOL | May 9, 2018 – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee xaruntaasi ay u heyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasaiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa Ra’iisul wasaaraha kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya oo ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman.

Wasiir Oomaar ayaa uga warbixiyay Ra’iisul wasaaraha sida howsha ay u wadaan howl-wadeennada iyo maamulka xarunta hawada Soomaaliya, kuwaas oo horumar badan sameeyay tan iyo markii maamulka hawada dalka loosoo wareejiyay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa shaqaalaha iyo maamulka kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howsha muhiimka ah ee ay u hayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

rw-khayre-xarunta-hawada-2 rw-khayre-xarunta-hawada-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *