AKHRISO: Madaxweynaha Puntland oo magacaabay wasiiro

Muqdisho | QOL | May 12, 2018 –  Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Xeer Madaxweyne Lr.47 May 12, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir Iyo Wasiir Kuxigeen.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda Iyo Waayo-Aragnimadooda Shaqo.

Markuu Latashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland.

  1. Waxaa Daahir Xaaji Khaliif Loo Magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka.
  2. Waxaa Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud Loo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *