Guddoonka Baarlamaanka oo kulan la qaatay madaxa ciidamada AMISOM

Muqdisho | QOL | May 19, 2018 – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Ciidamada AMISOM ahna Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa U Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Waxa ay ka wada hadleen xoojinta Ammaanka xarunta Golaha Shacabka.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa ku sugan xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay ka qeyb ka yihiin ciidamada sugga Ammaanka  xarunta Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

gudoomiye 3 gudoomiye 2 Gudoomiyaha 1

 

 

 

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *