R/W Ku-xigeenka dalka oo shir gudoomiyay Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo Beesha caalamka

Muqdisho | QOL | May 20, 2018 — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo Beesha caalamka kaas oo looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha gurmadka ee lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha oo xubin ka ah guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha, xubna ka socda Qaramada midoobay, safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, isku dubba Ridaha gargaarka Soomaaliya, ururada Caalamiga ah ee aan dowliga aheyn iyo masuuliyiin ka socota maamul Gobaleedyada.

“Saaka waxaa noo qabsoomay shir heer sare ah oo ay isugu yimaadeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, bulshada rayidka ah iyo Beesha caalamka. Waxaa looga hadlay sidii loo sii wadi halaa howlaha ay guddigu hayaan. Guul ayuu kusoo dhamaaday”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenku.

Shirka oo lagu soo bandhigay dhibaatooyinka ay fatahaaduhu geesteen iyo deegaannada ugu daran ee ay waxyeeleeyeen ayaa intii uu socday waxaa leesta gartay in ay muhiim tahay in la sameeyo qorsha looga hor tegayo soo noqnoqshada dhibaatooyinka nuucaan oo kale ah.

gurkadka__1_ gurkadka__6_ gurkadka__5_ gurkadka__3_ gurkadka__4_

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *