Madaxweynaha K/Galbeed oo magacaabay Guddoomiyaha Sh/Hoose

Muqdisho | QOL | May 22, 2018 – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa warqad ka soo baxday xafiskiisa wuxuu ku magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warqada oo baxday shalay oo Taariikhdu ay ku beegneyd 20-ka May 2018-ka ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Barre.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed iyo in ay muhiim tahay in la dardar geliyo howlaha ka socda gobolka.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ee xilka laga qaaday ayaa waxaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

kgalbeen-magacaabid-1 kgalbeen-magacaabid

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *