Puntland oo war ka soo saartay dagaalka maanta dib ugu qaraxay Tukaraq

Muqdisho | QOL | May 24, 2018 –  Puntland ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay u cadeyneyso in saakay abaare 05:30 ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen ciidanka Puntland ee ku sugan degaanka Tukaraq.

Waxay sheegtay in masuuliyadda dagaalkaas ay qaadeyso Somaliland, islamarkaana Puntland ay difaaceyso dhulkeeda iyo dadkeeda.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa Madaxda labada maamul ku eedeeyay in ay yihiin Hoggaamiyeyaal aan u diirnaxeyn shacabka, maadaama ay ku dul dagaalamayaan, iyada oo shacabka ay sooman yihiin, lana kulmayaan Dabeylo xoogan Duufaano wata.

war-murtiyeed-pland

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *