Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirrada cusub

Muqdisho | QOL | May 26, 2018 —- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna kusimaha Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay wasiirada cusub ee xukuumadda, taas oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa.

Munaasabadda lagu dhaarinayay wasiirrada cusub waxaa goob joog ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, labadiisa ku-xigeen iyo masuulyiin kale.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa dhaariay wasiirada cusub si ay u bilaabaan la wareegidda xafiisyadooda si dhaqsa ahana u guda galaan shaqooyinka laga sugaayo in ay qabtaan.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa gababadii munaasabadda kula dardaarmay wasiirada cusub in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan si ay ugu guuleestaan howlaga qaran ee Hor-yaalla.

arinta-wasiirada-cusub-6 arinta-wasiirada-cusub-5 arinta-wasiirada-cusub-4 arinta-wasiirada-cusub-3 arinta-wasiirada-cusub-2 arinta-wasiirada-cusub-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *