Gaadiid ay la socdeen xildhibaano Hir-Shabeelle oo la weeraray

Muqdisho | QOL | June 5, 2018 – Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow Wadada loo galay Gaadiid ay la socdeen xildhibaano ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle.

Weerarkaas ayaa waxa uu ka dhacay Wadada u dhaxeysa degmada Balcad iyo deegaanka Qalimoow ee Gobolka Shabeelleha dhexe gaar ahaaan deegaanada Haansheekh iyo Ilbiq,waxana lagu soo waramayaa in dagaal culus uu halkaasi ka socdo.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayaan Rasaasta dagaalka la isku adeegsanayo,isla markaana lasoo sheegayo in uu jiro khasaaro la gaarsiiyey Xildhibaanada iyo ciidamo ay wateen oo wadadaas ku socdaalayey.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *