Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xafiis cusub ka furatay Buula-burde

Muqdisho | QOL | June 17, 2018 –Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furatay Magaalada Buula-burde  ee gobolka Hiiraan.

Munaasabadda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo dadka degaanka iyo sidoo kale saraakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya

Dadka ka qeyb galay ayaa  dhamaantood waxa ay sheegeen in  baahi weyn loo qabay howlaha ay qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda isla markaana ay uga mahadcelinayan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in xafiiskan la furo.

 

 

j1 j2 j3

 

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *