Sawiro :-Madaxda Hirshabelle Oo booqday askar dhaawac ah Oo Lagu Dabiibayo Isbitaal Madiina

Muqdisho | QOL | June 17, 2018 –Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho wuxuu ku booqday ciidamo ku dhaawacmay hawlgallo dhawaan ka dhacay gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagula dagaalamayay xoogaga ururka Al-shabaab.

Waare ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka kala tirsan dowladda iyo Hirshabeelle.

Masuuliyiintan ayaa halkaasi waxa ay ka jeediyeen khudbado ay kaga hadlayeen dhiiragelinta ciidanka dagaalka kula jira ururka Al-shabaab, waxaana ay ciidamada ku dhiirageliyeen in ay dalkooda ka difaacaan cadowga, ayna sii wadaan dagaalka Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo masuuliyiintii la socotay ayaa ciidamada ay booqdeen waxa ay gaarsiiyeen deeq lacageed, wuxuuna Madaxweynaha balan qaaday askarigii dalka wax looga qaban waayo in Hirshabeelle ay diyaar u tahay in ay caafimaad dibadda aw1 w2 w3 w4 w5 w6

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *