Puntland Oo sheegtay in ay Weerartay Laascaanood

Muqdisho , 24  Juunyo, 2018:–Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeeen in ay xalay Weerar ku qaadeen Saldhigyo ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland Abuubakar Cabdi Geele ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Puntland ay Xalay weerar ku qaaadeen 2 Saldhig oo ku yaala Magaalada laascaanood.

Geele ayaa sheegay in weerarkaasi oo Saaka Subaxnimadii hore soo gaaray ay Ciidamadu ku guuleysteen in Xabsiyada ka siidaayeen Maxaabiis u xirnaa Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale Shacabka gobolka Sool ugu baaqay in ay taageeraan Puntland,islamarkaana ay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Somaliland oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay maamulka Puntland.

 

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *