Maamulka Jubabland oo warka soo saarey taliye laga celiyey garoonka Kismaayo

Muqdisho | QOL | 13, July 2018 – Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland waxa ay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ka celiyeen Taliye Cusub oo dowladda Soomaaliya u magacaawday Guutada 43aad ee ka howlgasha deegaanada Maamulkaas.

Taliyaha ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cali Bogmadow,waxana la sheegay in uu ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho balse markii uu ka degay Garoonka diyaaradah Kismaayo loo diidy in uu si aado halkii uu ku wajahnaa,kadibna uu dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho.

Warka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in arrintaay ay timid kadib markii dowladda iska-dhega tirtay heshiiskii lagu gaaray London 11 Bishii May Sanadkii 2017 kaas oo qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyad

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan wadatashi kala yeelan madaxda Jubbaland Magacaabista taliyahaas,isla markaana taasi ay keentay in saakay garoonka Kismaayo laga celiyo.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *