Wariye hoygiisa lagala baxay Shabeellaha Hoose

Muqdisho | QOL | July 2018 –  Saakay aroortii ayaa la sheegay in Wariye ka tirsan Idaacadda Radio Walaweyn lagala baxay hoygiisa oo ku yaalla degmada Walaweyn.

Wariye Ismaaciil Yuusuf(fantastic) oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Radio Walaweyn ayaa saakay waxaa tegay hooygiisa Ciidamo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin kuwa dowladda,iyaga oo  watay.

Agaasimaha Radio Walaweyn Ismaaciil Mire ayaa Qaranimo Online  u sheegay in sirasmi ah aysan u xaqiijin karin halka ay ka yimaadeen ciidamada gurigiisa kala baxay Wariyaha balse ay xiriir la sameeyeen saraakiisha ku sugan Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ehelada Wariyaha qaarkood oo aan la hadalnay ayaa iyana waxa ay sheegeen in ay ka walwalsan yihiin halka lala aaday wiilkooda iyo ciidamada gurigiisa ka watay.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *