Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Federaalka oo ka furmay Garoowe

Garoowe | August 3, 2018 – Shirka golaha wasiirada dowlada federalka ayaa goordhow ka furmay magaalada Garowe ee maamul gobleedka Puntland.Shirkan oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo inta badan Golaha Wasiirada.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in shirka uu ka dhacayo xarunta Wasaaradda maaliyadda Puntland,iyadoo golaha wasiirada dowlada federalka la dejiyay hotelo ku yaal magaalada Garowe.

Shirka waxaa lagu waday in saaka uu halkaa ka dhaco, waxayse wararku sheegayaan in uu dib ugu dhacay sababo la xiriira khilaaf soo dhex galay mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa Puntland.

Khilaafka ayaa xallintiisa lagu guda jiray tan iyo shalay, ilaa iyo xalay, ilaa iyo gelinkii hore maanta, ayadoo ugu dambayntiina ay suurto gashay in kulanka uu qabsoomo.

Shirkan ayaa wuxuu noqonaya shirkii labaad ee ay Golaha wasiirada dowlada federalka ku yeeshaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho, kadib markii sanadkii hore sidan oo kale shirka Golaha Wasiirada lagu qabtay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

garoowe-golaha-wasiirada-7 garoowe-golaha-wasiirada-6 garoowe-golaha-wasiirada-5 garoowe-golaha-wasiirada-4 garoowe-golaha-wasiirada-3 garoowe-golaha-wasiirada-2 garoowe-golaha-wasiirada-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *