Dil ka dhacay Muqdisho

Muqdisho | QOL | August 7, 2018 – Kooxo hubaysan ayaa saakay Degmada Waaberi, gaar ahaan xaafadda Buundooyinka waxa ay ku dileen askari ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya.

Askarigan ayaa la sheegay xilliga la dilayay inuu ka soo baxay hoygiisa oo ku yaallo Degmada Waaberi, dableyda hubaysana ay ku dileen meel aan sidaasi kaga fogeyn gurigiisa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan dableydii dilkan gaysatay inay ka baxsadeen goobta, kadib markii ay toogteen askariga.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa tagay goobta lagu dilay askariga, waxayna halkaasi ka soo qaadeen maydka marxuumka la dilay.

Sarkaal ka tirsan Saldhiga Booliska Degmada Waaberi, ayaa sheegay askariga la dilay inuu ka tirsanaa xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D.

Al Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee ay u gaysanayaan ciidamada ka tirsan dowladda Fedeeralka Soomaaliya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *