Millateriga Itoobiya oo amar ku soo rogay dadka Jigjiga

Muqdisho | QOL | August 9, 2018 –  Ciidammada milatariga ee dalka Itoobiya oo maalmihii u dambeeyay gacanta ku hayay ammaanka magaalada Jigjiga ayaa dadka shacabka ah u diidan in ay ka baxaan magaalada, sida ay  u sheegeen dad deegaanka ku sugan oo ehelkooda laga soo celiyay duleedka magaalada.

Waxaa jira warar sheegaya in dadka kali ah ee loo ogol yahay in ay magaalada ka baxaan ay yihiin dadka aan Soomaalida ahayn ee muruq maalka ka ahaa magaalada een nolosha kale ku haysanin.

Waxaa furan ganacsiyo badan, waxaana la qorshaynayaa in shacabka magaaladu ay mar kale nadiifin ka bilaabaan waddooyinka magaalada.

Qaar ka mid ah shacabka Soomaalida ah iyo kuwa aan Soomaalida ahayn ayaa shalay billaabayn in ay isla nadiifiyaan waddooyinka Jigjiga.

Dawladda ayaa dadaal ugu jirta in ay noloshu caadi ku soo noqoto, inkastoo ay wali taagan tahay hubaanti la’aantii siyaasadeed.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *