Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada oo shaqada laga joojiyey

Muqdisho | QOL | August 9, 2018 – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shaqo ka joojin ku sameeyay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda XFS.

War qoraal ah oo uu Bartiisa twitter-ka soo dhigay Wasiirka Warafafinta xukuumadda Soomaaliya Dahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa Shaqadii looga jiijiyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Muqtaar Mahad Daa’uud.

Sababaha ugu weyn ee Shaqa joojinta ayaa waxaa lagu sheegay in  khilaafkii waayadaan jiray,iyada oo dhawaan Xarunta Wasaaradda ay tageen Ciidamo boolis ah si ay u soo xiraan Wasiir ku xigeenka balse arrintaasi la xaliyey,iyada oo lagu eedeynayey arrimo musuq maasuq.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *