Diyaarad laga xaday Garoon ku yaalla Mareykanka

Muqdisho | QOL | August 11, 2018 – Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiysay in Shaqaale ka tirsan shirkad diyaaradeed ay la baxsadeen diyaarad aysan saarnayn wax rakaab ah kaddibna ay ku burburtay jasiirad aan sida uga foggeyn garoonkii uu kala baxsaday diyaaradda.

Shaaqalahan ayaa diyaaradda kala goostay garoonka diyaaradaha ee Seattle ee dalka Mareykanka.

Sidda ay xaqiijisay Wasaaradda Difaaca Diyaarad kuwa dagaalka ah ayaa ceersatay diyaaradda laakinse lama ogo inuu ka badbaaday ruuxii diyaaradda la baxsaday, maadaama ay burburtay.

Booliska waxay sheegeen in dhacdadani aysan ahayn mid argagixiso islamarkaasna ninka uu kamid yahay dadka degaanka.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradda oo kolba dhinac u duulaysa hawada sare.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *