Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho | QOL | October 10, 2018–Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Isgoyska Ex Kontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho, qarax Khasaare gaystay ayaa halkaasi ka dhacay.

Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray Baabuur nooca Raaxadd ah ,waxaa ku dhaawacmay hal  ruux oo ku sugnaa goobta uu gaarigu ku qarxay.

Gaariga qarxay ayaa waxaa lahaa Cabdullaahi Daahir oo ka mid ah Shaqaallaha gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in uu ka badbadaay Qaraxaasi.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray halka qaraxan uu ka dhacay ayaa wada baaritaanno, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo qaraxan laga helay.

131412

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *