Muuse Biixi”DP World Way Ku Mahadsan Tahay Sida Aysan Dheg Jalaq U Siinin Hadalka Dowladda Federaalka”

Muqdisho | QOL | October 11, 2018 —RaMadaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay ballaarinta dekada weyn ee Magalada Berbera ayaa sheegay in Shirkadda DP World ay mudan tahay amaan weyn,isla markaana ay ballaarineyso dekada.

Waxa uu sheegay in Madaxda Shirkada DP WOrld uu uga mahad celinayo inaysan dheg jalaq u siinin hadalkii dowladda Federaalka ee ahaa in dekada aan lagu wareejin karin Shirkado,iyada oo aan fasax laga heysan dowladda Federaalka.

“Shirikada DP World waxaan uga mahadcelinayaa inaysan dheg jalaq u siinin hadalka Dowladda Federaalka.waana mudan yihiin in loo mahad celiyo ayuu yiri Muuse Biixi.

Markii Shirkada DP World lagu wareejiyay dekada Magalada Barbara ayaa taasi waxa ay sababtay in khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalo dowladda Federaalka iyo Imaaraadka Carabta oo ugu dambeyn dalka laga joojiyay howlihii uu ka waday Imaraadka baarlamaankana ay Go’aan ka gaareen Shirkada DP World.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *