Madxweyne Faraamjo Oo Dib Ugu Soolaabatay Muqdisho

Muqdisho | QOL | October 15, 2018 —Wararka Qaranimo Online ay heleyso ayaa sheegaya in Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo xalayku hoyday Magaaalada Marka in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan kasoo dajisay Diyaarad gaar ah oo ah kuwa Militariga, waxaana kahor inta uusan kasoo safrin Magaalada Marka uu lasoo kulmay Saraakiisha Guutada 14-ka Oktoober iyo Shacabka Magaalada.

Qorshaha dib usoo laabashada Madaxweynaha ayaa ah in uu furayo Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka Sare oo maanta furmayo, sida uu dhigayo Dastuurka Dalka waxaa fadhiga furayo sidoo kalena Xirayo Madaxweynaha JFS.

La soco wixii kasoo kordha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *