AMISOM oo dad Shacab ah ku dishay Balcad

Muqdisho | QOL | October 18, 2018 — Qaar ka mid ah dadka Shacabka ah ee ku sugan degmada Balcad ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM  laba ruux oo shacab ah ay ku dileen Bartamaha Magaalada.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ay dar dareen dadkaasi oo watay gaari dameero sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako ee Degmada Balcad, waxaana goobta ay wax ka dhaceen gaaray Ciidamada Ammaanka degmada iyo maamulka.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM dilka ka dib ay  ka dhaqaaqay goobtii ay falka ka gaysteen,Laakiin ay baaris bilaabeen Ciidamada Booliska degmada Balcad.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *