Barlamaanka K/Galbeed Oo Ansixiyey Gudiga Doorashada Madxweynaha Maamulkaasi

Muqdisho | QOL | October 21, 2018 —Kulan maanta Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku yeesheen Magaalada Baydhaba ayey ku meel mariyeen xubnaha Guddiga doorashada Madaxtinimada Maamulkaas.

Xubnaha maanta la magacaabay waa Xubnaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ku matalaya Guddiga doorashada waxaana ay kala yihiin;-

Ansixinta ka hor waxaa goobta lagu dhaariyay Labo XIldhibaan oo kala ah; Ibraahim C/Raxmaan Cali iyo Ismaaciil Macalin Maxamuud Maxamed oo beddelaya Walaalkiis C/Qaadir C/Raxmaan Cali oo ahaa Wasiiru dowlihii Amniga,kuna dhintay qarax ka dhacay Shabeellaha hoose iyo Ismaaciil oo beddelay Aabbihii Macalin Maxamuud Maxamed oo geeriyoodau.

116 Xildhibaan ayaa xaadirtay kulanka maanta,waxaa codka kalsoonida siisay 93 xubnood,13 ayaa diiday halka 10 kalena ay ka aamuseen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegay in labo Xildhibaan ay ka banaantahay Baarlamaanka lana wado sidii lagu dhameystiri lahaa.

b1 b2

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *