Guddoomiyihii Hore Ee Golaha Shacabka Oo Cashar Ka Bixiyay Jaamacadda Ummadda

Muqdisho | QOL | October 22, 2018 —Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacbaka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa cashar ku saabsan Arrimaha Dastuurka waxa uu ka bixiyay Jaamacadda Ummadda ee Magalada Muqdisho.

Jaamacadaas ayaa waxaa dhigta arday farabadan,iyad aoo Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu si kedis ah ku tegay jaamacadaas,isla markaana uu cashir ka bixiyay.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa aad u soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacbaka Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee  Mudane Jawaari uu tago Jaamacadda Ummadda,isla markaana uu Cashar ka bixiyo tan iyo markii uu iska casilay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *