Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed oo kala cayriyay Shacab Banaanbaxaayay

Muqdisho | QOL | Oktoobar 27 2018 —Sida Shabakada Qaranimo Online  ee Magaalada Muqdisho wararka ku heleyso Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kala diray dad shacab ah oo banaanbaxyo ku dhigaayey gudaha Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah Maamulkaasi.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo aruuray bartamaha Magaalada iyagoo doonayey in ay muujiyaan sida ay kaga xunyihiin faragelin ay sheegeen in ay ku heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya doorashada Maamulkaasi oo dhawaan loo madalsanyahay in la qabto.

Wararka inaga soo gaaraya Magaaladaasi ayaa sheegaya in Ciidamada kala ceyriyey banaanbaxayaasha ay ka tirsanyihiin saldhiga Booliska Federaalka ay ku leeyihiiin Magaaladaasi.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *