Duqa Muqdisho oo Bulshada Dayniile ku boggaadiyey dadaalladooda Nabadda iyo Is-dhexgalka.

Muqdisho, Nofeembar 08, 2018 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniile ku dhiirigeliyey dadaalladooda ku aaddan Nabadda iyo Is-dhexgalka.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Amniga Caasimadda ee soo hagaagaya uu ku yimid dadaalka iyo naf-huridda Ciidanka Amniga iyo garab-istaagga shacabka, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshadu in ay sii wadaan dadaalkooda si looga guuleysto cadowga mar walba u taagan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb-galayay isku-imaad lagu taageerayay barnaamijka Is-xilqaan iyo horumarrada dhinacyada Amniga iyo Dariseynta, ayaa ugu baaqay bulshada Dayniile in ay gacmahooda ku dhistaan degmadooda, maamulkiisuna uu garab taagan yahay.

“Shacabka Dayniile waa in ay u istaagaan horumarinta degmadooda, ma jiro qof kale oo inta bannaanka idiinka yimaada adeegga iyo horumarkaa u baahan tihiin idiin keenaya, waa idinka cidda laga sugayo wax walba oo Dayniile u baahan tahay”.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno, Guddoomiye ku-xigeennada Gobolka, qaar kamid ah maamullada Degmooyinka, Fannaaniin iyo qeybaha bulshada ee Degmada Dayniile.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka  Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *