Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la qaatay Taliyayaasha Ciidamada

Muqdisho, Nofeembar 11, 2018 Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Somaliya Xafiiska Madaxweynaha, ayaa si gaar ah waxaa looga hadlaayay sida suuragal ay ku noqotay in Shabaab ay weerareen Hotel ku yaallo Bartamaha Magaalada, iyadoo ammaanka Muqdisho si wayn loo adkeeyay, Koontaroolo badana ay yaalaan oo gaadiidka lagu baaro.

Kulanka ayaa waxaa ka soo muuqday Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), Taliyaha Ciidamada Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Booliska Somaliya Bashiir Ameeriko iyo Ku xigeenkiisa Kadiye.

Madaxweynaha ayaa su’aalo ka waydiiyay Saraakiishaan sida ay ku suuragashay in Shabaab ay weerarkaasi fuliyaan iyo ragga hubaysan iyo gaadiidkii qaraxyada meesha lagu diyaariyay warbixintooda.

Sida muuqata Madaxweynaha Somaliya ayaa xilligan isla xisaabtan adag ku haya Saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Federalka Somaliya, iyadoo wali dowladda si faah faahsan aysan uga hadlin weerarkaasi iyo Shabaab halka ay ka soo abaabuleen, marka laga reebo cambaareyn ay jeedisay dowladda Somaliya.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *