Madaxweyne Trump oo lagu qanciyay in Yurub ay yeelato Ciidamo u gaar ah

Muqdisho, Nofeembar 11, 2018 —Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu dambeyntii aqbalay in xulufadiisa reer Yurub ay dhistaan ciidamo Milateri u gaar ah oo ka madaxbanaan ciidamada xulufada gaashaanbuurta NATO.

Trump oo iminka booqasho ku joogo dalka France ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in uu aad kaga xunyahay ciidamada wadamada Midowga Yurub ay doonayaan in iskood ay u dhistaan badalkii ay wada dhisan lahaayeen maadama ay yihiin wadamo is xulufeysta.

Balse hada waxay u muuqataa in Madaxweynaha Fransiiska Macron uu ku qanciyay dhigiisa dalka Mareykanka in ay sameystaan Ciidamo u gaar ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *