Qodobo Ka Soo Baxay Shirka Todobaadlaha Ee Maamulka G/Banaadir

Muqdisho, Nofeembar 14, 2018 —Magalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho waxaa Maanta lagu qbatay Shirka Todobaadlaha ee guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Shirka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cismaan (Yariisow) ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa inta badan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Shirka ayaa waxaa looga  hadlay safarkii Djibouti, Is-XilQaan, horumarka Amniga, Nadaafada, deriseynta iyo arrimo kale oo farabadan oo quseeya horumarka Gobolka Banaadir.

Shirka Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa todobaadkiiba mar la qabtaa,waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga,nadaafada iyo qodobo kale

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *