Doorashadda Koonfur Galbeed oo dib loo dhigay

Muqdisho, Nofeembar 15, 2018 —Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa shaaciyay in 20 Xubnood oo ka joogta Guddiga ay 15 ka mid ah isla garteen in doorashada dib loo dhigo muddo labo todobaad ah.

17 Bishaan ayay go’aamiyeen in la soo dhameystiri doono Xubmihii Guddiga doorashada ee is casilay,sidoo kalena doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed la qabto 28 Bishaan November.

Khilaaf badan ayaa ka jira doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed, waxaana waxgaradka maamulka Koonfur Galbeed ay ka muujiyeen walaac badan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *