R/Wasaaraha Ingriiska oo codka kalsoonida loo qaadayo

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 17, 2018 –Xubnaha hormuudka u ah in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub ee ku jira golaha wasiirada ayaa taageero la garab joogsaday Theresa May, iyada oo ay socdaan isku dayo lagu doonayo in xilka lagaga qaado.

Micheal Gove ayaa sheegay in uu kalsooni “buuxda” ku qabo May, waxaanu xaqiijiyey in aanu yeeli doonin sida dhowr wasiir oo hore iska casilay  xukuumadeeda.

Liam Fox oo isna ka tirsan xukuumadda May, ayaa xildhibaannada xisbigeeda ee baarlamanka ku boorriyey in ay taageeraan qorshaha heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee Ra’isal wasaaraha, waxaanu yiri “heshiiska haatan la soo badhigay wuxuu dhaamaa heshiis la’aan”.

Is casilaadii Dominic Raab ka dib, waxa ay Ra’isal Wasaaruhu wasiirkeeda wada xaajoodka ka bixitaanka Midowga Yurub u magacawday wasiirkii caafimaadka Steve Barclay.

Ninkaas oo ahaan jiray sarkaal sare oo bankiyada ka soo shaqeeyey ayaa taagersanaa ka bixitaanka Midowga Yurub markii aftida la qaadayey 2016-kii, welina sideedii sanadood ee uu ka midka ahaa xildhibaannada xisbiga muxaafidka ah baarlamanka ugu jira kama uu hor iman qorshayaasha dawladda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *