Xasan Sheekh Oo Bilaabaya Safaro Uu Ku Tagayo Gobolada Dalka

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 17, 2018 –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa la filayaa in uu bilaabo safaro uu ku tagayo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Maalinta berito ah ayaa safarkiisa ugu soo horeeya waxa uu ku tegi doonaa Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa waxaa Magalada Kismaayo tegi doona wafdi horudhac u ah safarkiisa oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee ka tirsan Xisbigiisa.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu beri ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safari kale uu ku tegi doono Xarumaha Maamul goboleedyada dalka ka jira.

Booqashadaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada,waxaana Maamulka Jubbaland uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma xilligii Madaxweyne uu  dalka ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *