Interpol oo dooratay Madaxweyne Cusub

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 21, 2018 –Hay’adda Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa hoggaamiyaha Hay’addaasi u dooratay Kim Jong Yang oo kasoo jeedda Kuuriyadda Koonfureed ka dib markii doorasho ka dhacday dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta.

Kim ayaa horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Interpol, waxaana uu sii hoggaamin doona Muddo dhan labo Sano.

Doorashada Ninkaan kasoo jeedda Kuuriyadda Koonfureed waa dharbaaxo ku aaddan dadaalka Ruushka uu ku doonaayay in uu ku guuleysto  musharax Ruush ah, oo si adag uga soo horjeeday Maraykanka, Ingiriiska iyo wadamada kale ee yurub.

Doorashada Kim ayaa imanaysa ka dib markii madaxweynihii hore ee Interpol Meng Hongwei  uu is casilay ka dib markii lagu xiray dalka Shiinaha bishii Sebtembar iyadoo lagu eedeeyay laaluush iyo musuqmaasuq.

Meng ayaa ku dhuumanaayay dalka Shiinaha ilaa 13 maalmood ka hor inta  aan la xirin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *