Golaha Iskaashiga Oo War-Saxaafadeed Ka Soo Saaray Go’aankii Guddiga Aqalka Sare

Muqdisho | QOL | November 28, 2018 –Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa ay War-Saxaafadeed ka soo saareen Go’aankii Guddiga Aqalka Sare ee xalinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha Iskaashiga ay soo dhaweeynayaan qoraalka Guddiga Aqalka Sare  ee xalinta khilaafka dowladda iyo Dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Golaha Iskaashiga ayaa qoralkooda waxa ay ku sheegeen inay diyaar u yihiin in Guddiga Aqalka Sare ka gacan siiyaan dhameystirka xalinta khilaafka  dowladda iyo Dowlad goboleedyada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *