Guddiga Maaliyadda Iyo Miisaaniyada Ee Golaha Shacabka Oo La Kala Diray

Muqdisho | QOL | November 28, 2018 –Guddoonka Golaha Shacabka ayaa kala diray Guddiga Miisaaniyada, Maalliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka ee Golaha ayadoo Gudoonka uu soo dhisi doono Guddi cusub.

Qoraal uu soo saaray  Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa Guddigaas lagu kala diray,waxaana la sheegay in guddoonka uu dhawaan soo Magacaabi doono Guddi Cusub,ayna dooran doonaan Guddoomiye.

 

Xubnaha Guddiga  Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka ee Golaha ee la kala diray ayaa u badnaa Xildhibaanada mucaaradka ku ah Xukuumadda Soomaaliya,waxana Guddiga ay dhawaan eedeyn la xiriirta musuq maasuq u jeediyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir.

Halkan Hoose Ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *