Iran oo ka jawaabtay Eedeyn kaga timid Mareykanka

Mogadishu | QOL | December 02, 2018 –Dowladda Iran ka jawaabtay eedeyn kaga timid  Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo ,taasoo ku aadan in dowladda Iran ay tijaabinayso Gantaallo horay loogu diiday Caalamka oo ka baxsan xeerka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dowladda Iiran ayaa sheegtay barnaamijkeeda uu yahay  mid difaac oo aan ku xad-gudbin heshiiska caalamiga ah ee barnaamijka nukliyarka Iran.

“Barnaamijka gantaalaha Iran waxa uu leeyahay dabeecad difaaceed waxaana loo qorsheeyay baahida dalka,” ayuu yiri  Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Bahram Qassemi.

Bahram Qassemi ayaa beeniyay hadalka  Pompeo ee ah in Tehran ay tijaabisay gantaal ballaaran oo dhexdhexaad aan aheyn .

Waxaa uu tilmaamay in Mareykanka wali uu sii wado daandaansi ka dhan ah dowladda Iran oo la doonaayo in lagu waxyeeleeyo Caalamka oo dhan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *